DAWLADA WASHINGTON OO $35-MILYAN UGU DEEQDAY ITOOBIYA SI WAX LOOGA QABTO MASIIBOOYINKA DABIICIGA AH

Filed under Wararka Maanta

usaid_imageADDIS ABABA – Hay’adaa u qaabilsan dalka Maraykanka arrimaha gragaarka, USAID, ayaa shaaca ka qaaday in $35 milyan oo dheeraad ah ay ugu yaboohday Itoobiya si wax looga qabto abaaraha, masiibooyinka dabiiciga ah iyo xurgufaha meelaha qaarkood ka aloosan.

 

Kaaliyaha maamulaha USAID, Nancy Lindborg, ayaa shalay colka wararka u sheegtay in maamulka Obama u horey ugu deeqay Itoobiya $110 milyan oo dalku kaga hortago waxyeelooyinka dabiiciga ah. Haweenaydan ayaa xustay in lacagtan loogu talagalay dhulka ay ku baahsan yihiin xoolo dhaqatada Itoobiya oo abaaraha, xurgufaha qabiilada/qoomiyadaha iyo saboolnimada ku badan yihiin.

 

DDSI oo kamid ah meelaha dadkiisu ay ku tiirsan yihiin dhaqashada xoolaha ayaa lagu wadaa in uu ka faa’iidaysan doona mashaariicda lacagtan lagu fulin doono.

 

Wafdiga Maraykanka ayaa u yimid Itoobiya si ay uga qaybgalaan shir wamada IGAD kaga arrinsanayaan sidii abaaraha iyo dhibaatooyinkooda wax looga qaban lahaa oo maanta ka furmaya Addis Ababa.

 

Xukuumada Itoobiya iyo wadamada deeqda bixiya ayaa waaydan diirada saaraya sidii wax loogu qaban lahaa xoolo dhaqatada Itoobiya oo horey loo hilmaamay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>